Madaxweyne Camey: “Maanta waxaan u nimid calaf iyo ciidan” (daawo)

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, ayaa shalay gaaray magaaladda Buuhoodle, xarunta Gobalka Cayn. Wafdiga Camey oo si heer sare ah loogu soodhaweyaay Buuhoodle ayaa waxaa jidadka tubnaa kumannaan shacab ah oo reer Buuhoodle, una muujiyey jaceyl iyo xushmad.

Madasha kulanka oo ay khudbad ka jeediyeen Isimada Gobolka, cuqaasha, indheergaradka iyo saraakiisha ciidamada, ayaa ugu danbeyn waxaa soo xirey Madaxweyne Camey. Dhammaan khudbadaha isu-soobaxa ayaa diiradda saaray gardarada Somaliland, difaaca Puntland iyo xoreynta gobolka Sool.

Madaxweyne Camey oo sheegaya sababta booqashadiisa waxa uu yiri, “awal siyaasad baa laga hadli jirey, maanta wax siyaasad la yiraahdo oo aan ka hadleynaa ma jirto …. maanta waxaan u nimid calaf iyo ciidan.”

Hoos kaga bogo.

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com