Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ku baaqay in gaabiska ku yimaada hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab la iskula Xisaabtamo

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ku baaqay in gaabiska ku yimaada hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab la iskula Xisaabtamo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Shirka Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan Dowladaha tageera Soomaaliya ayaa sheegay in loo bahan yahay dabagal dhab ah iyo islaXisaabtan la xiriira sababaha Al-Shabaab looga saari layahay deeganada ay wali joogan iyadoo boqolaal milyan lagu bixiyo hawlgalka AMISOM taas badalkeedana aanay si joogta ah mushaarka u helin Ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in beesha Caalamka looga baahan yahay in AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sidoo kalana Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada looga bahan yahay in ay ku Xisaabtamaan in Ajinabi uuna Soomaaliya waligii joogaynin ee ay dhisaan Ciidamada Qaranka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Ciidamada Soomaaliya oo kumanaaan ah aysan haysanin tasiilaadkii ku filaa iyo tababar toona lakiin marka iyaga iyo AMISOM la isku geeyo ay ka badan yihiin kana awood weyn yihiin Al-Shabaab .

Shirarka ayuu Madaxweynahu sheegay in la joogo wakhtigii ficil loo badali lahaa isla markana su’aalo la iska weydiin lahaa halka ay wax ka khaldan yihiin iyadoo horay loo sii soconayo.

Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in hawlgalada wakhtigan la dardar galiyo oo laga shaqeeyo sidii wakhtiga kooban ee AMISOM u garay uu u noqon lahaa mid laga faa’iidaysto isla markana la dardar galiyo dhismaha Ciidamada Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com