Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo bogaadiyay hawlgalo laga fuliyay Jubada Hoose

HomeWararka

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo bogaadiyay hawlgalo laga fuliyay Jubada Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada Jubb

Baarlamanka Puntland oo soo saaray go’aamo cusub oo ku saabsan Tukaraq (Dawo)
Shiikh Axmed Shuuriye oo Daljir u Fasiray “Yaa Xeraale isku Haya?” (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Canada iyo Austria

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

In ka badan 40 Argagixisada kamid ah ayay Ciidamadu ku dileen hawlgalo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deeganada Beerxaani Kaamjaroon Araare iyo Jamaame.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hawlgaladan ay kala dhantaalayaan damacii kooxda ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan.

Isagoo hoosta ka xariiqay in ay Ciidamada geesiyada ah sidii loogu tala galay hawlgaladan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka ra’yidka ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawlgaladan ay sii socon doonan isla markana meel walba lagu beegsan doono Argagixisada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: