Madaxweyne Axmed Madoobe oo Taliyayaal Cusub Magacaabay

Talaado, Ogoosto 11, 2015 (Daljir) —Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubba ee Gobolka Gedo loogu magacaabay Col. Cabaas Ibraahim Gureey, iyadoo taliye ku xigeenna loo magacabay, C/llaahi Cismaan.

Taliyaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa ku sugan degmada Doolow oo dhawaan uu heshiis ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo kooxo ay xurguf dhanka siyaasadda ahi u dhexeysay, waxayna labadan sarkaal soo dhaweeyeen xilalka loo magacaabay.

Col. Cabbaas ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka uga soo horjeeday Maamulka Jubbaland, hase ahaatee wuxuu ka mid noqday xubnihii dhawaan Sh. Axmed Madoobe kula heshiiyay Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa isbedel dhanka maamulka iyo ciidamada ah wuxuu kawadaa Gobalka Gedo, iyadoo dhawaan la magacaabay gudoomiyaha Gobolka Gedo, waxaana xilkiii laga qaaday Guddoomiyahii Hore ee Gobolkaas.

Ugu dambeyn, magacaabiddan ayaa imaanaysa xilli dhawaan uu Madaxweynaha Jubba ka sheegay Kismaayo in la qaban doono 15-ka bishan Ogoosto doorashada madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com