Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaka ciidamo khaas ah la aaday dhuusamareeb

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha kismaayo,isago ka qayb galaya shirka dhusamareeb ka furmaya maanta.

Sido kale Madaxweynaha Puntland ayaa shalay iska sii hormariyeey ciidamo ilaalo u ah maadama inta badan madaxda dowlad goboleedyadu wataan ilaalo gaar u ah.

Madaxweynaha Puntland siciid Cabdulaahi deni ayaa isna saaka u safray dhuusamareeb,iyado shalayna u tagay halkaas Madaxweynaha Hiirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Madaxda la sugayaa Maanta waa Madaxweyne Deni,Madaxweyne Axmed Madoobe,Madaxweyne Laftagareen.iyago dhamaan ka qayb gali doona furitaanka shirka oo arrimo xasaasi ah looga hadli doono.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com