Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo Muqdisho ka dhoofay

Madaxweynayaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Kismaayo iyo Garowe.

Labo diyaaradood oo kala qaaday labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa daqiiqado gudahood uga dhoofay garoonka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in marka labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ka dagaan Kismaayo iyo Garowe qaban doonaan shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka.

Ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxtooyada labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa sheegaya in go’aano culus ka soo saari doonaan.

Xaalada Muqdisho ayaa geli doonta weji cusub, iyadoo ay isugu soo hareen Musharaxiinta iyo Farmaajo, lamana qiyaasi karo sida xaalada noqon doonto, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ku dhiiran doono muddo kororsiga labada sano sidii ugu mira dhalin lahaa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com