Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed,Hiirshabeele,& Galmudug oo Muqdisho gaaray

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed,Hiirshabeele,& Galmudug oo Muqdisho gaaray

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle & Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray Muqdisho,kadib markii Maanta ay ku shireen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliuiintaan kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana warar kal hore soo baxaya ay sheegayaan inay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde kula kulmi doonaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in Maalinta berito ah ay kulan kula qaatan Magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com