Madaxweynaha Ukraine oo shuruud ku xiray in uu wadahadal la galo Ruuskha

Ka dib markii konton qof oo rayid ah ay u suurto gashay in laga saaro magaalada go’doonsan ee Mariupol Jimcihii, ayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, sheegay heshiis dhex mara iyaga iyo Ruushka uu shardi u yahay in marka hore ay ciidamada Ruushku ku noqdaan goobihii ay joogeen intaanay magaaladaa weerarin.

Volodymyr Zelensky oo la hadlayay xarun cilmi-baaris ah oo London ku taalla ayaa sheegay in taasi ay tahay waxa ugu yar ee waddankiisu aqbali karo.

Waxa uu sheegay in uu yahay hogaamiyaha “Ukraine,” balse ma uusan soo hadal qaadin Crimea oo uu Ruushka la wareegay sanadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa hadda dagaal ugu jira inuu si buuxda ula wareego magaalada Mariupol. Waxaa weli halkaas ku jira ciidamada Ukraine oo ay weheliyaan qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku sugan koonfur-bari ee birta weyn ee Azovstal.

Dhanka kale, Saraakiisha Mareykanka ayaa lagu warramayaa in ay xaqiijiyeen in ay xogo sirdoon siiyeen ciidanka Ukraine oo bartilmaameedsaday isla markaana dilay in badan oo ka mid ah jeneraalada Ruushka kuwaas oo ku naf waayey dagaalka Ukraine.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com