Madaxweynaha Ukrain ayaa ku tilmaamay wadamada Afrika inay la haystayaal u yihiin Ruushka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa dalalak qaaradda Africa ku eedeyay in ay yihiin la heystayaal Ruushka u xareysan.

Zelensky, oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika (AU), ayaa tilmaamay in wadamada qaaradda Africa ay u daba safan yihiin xukuumadda Moscow.

Xilli dunida oo dhan ay jawaab adag ay ka bixineyso dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, ayaan jirin illa hadda wamada Afrika, go’aan ay ka qaateen duulaanka Kyiv.

Xaayirada dhinac walba ayaa Ruushka uu kaga jawaabay cunaqabataynta ay reer galbeedka saareen dalkiisa, xilli gaajo baahsan dunida ay ka jirto.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com