Madaxweynaha ”Sports-ku Waxa UU Fududeeyaa Isdhexgalka Bulshada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay tartankii cayaaraha dowlad goboleedyada ka dhisan dalka oo magaalada Muqdisho ka socday.

Waxaa uu Madaxweynaha koobkii horyaalnimada ee kubadda cagta ee tartankaasi uu guddoonsiiyey xulka dowlad goboleedka Puntland oo cayaartii kama dambeysta ahayd ee galabta ka dhacdey Garoonka Banaadir uga badisey xulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in isboortiga uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.

Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada shisheeye iyo ururrada caalamiga ee Muqdisho ku sugan.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com