Madaxweynaha Soomaliya oo ka Qeyb-galey xafladda Caleema saarka Al-Bashiir

Arbaco, Juun 03, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweyne Jamhuriyadda Sudan, Mudane Cumar Xasan Axmed Al Bashiir oo dib loo soo doortey. 

Munaasabaddan oo ka dhacdey xarunta baarlamanka Sudan ee magaalada Khartoum, ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley diblomaasiyiin shisheeye, taliyeyaasha ciidammada iyo xubnaha baarlamanka Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobtaasi waxaa uu si kooban kula hadley qaar ka mid ah madaxdii caalamiga ahayd ee ka soo qeybgashey munaasabadda.

Madaxweyne Al Bashir oo talada dalka qabtey sannadki 1989, ayaa mar kale dib loogu doortey xilka bishii April, waxaana uu balanqaadey inuu fulin doono balanqaadyadii doorashada, isla markaana wax badan ka qaban doono xiriirka Sudan iyo beesha caalamka.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com