Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh oo wax lagga xumaado ku tilmaamay Dagaalkii Kismaayo ka dhacay

Nairobi, 07 June 2013-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalladda kismaayo ee xarunta? Jubbaland.

Xassan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay ??iska hor imaadkii maanta ka dhacay kismaayo ?ayaa ku tilmaamay ?wax lagga xumaaddo oo dhabar jab ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay? labbadii dhinac ee iska-hor imaadku dhexmaray inay joojiyaan gacan ka hadalka kana ??foggaaddaan wax walba sabbabi kara dagaal danbe.

Madaxweynuhu waxaa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay dhacdadaasi maantay ka dhacday magaaladda Kismaayo,

? Waxaan tacsi? u direyaa dadkii ?ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, iIlaah-na uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeed-na Samir iyo iimaan ka siiyo, Sidoo kale waxaan illaah uga baryayaa ?inta dhaawaca ahna? caafimmaad inuu siiyo.?

? Waxaan ku baaqayaa in xasiloonida iyo ammaanka laga shaqeeyo goobaha nabaddu ka jirtana laga ?illaaliyo waxkasta ?oo car qalad iyo dhibaato ka abuuri kara, dagaal maanta shacabka Soomaaliyeed uma baahna, waana lawadda ogyahay ?intii ku dhimatay.?

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ugu danbeyntii war-saxafadeedkiisa ku yiri ?Dowladda waxaa? ka go?an ?inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo ?soomaalinimo ku wajahdo, kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada gaarno himilada aan wada hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto, lana tartanto caalamka kale.??

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com