Madaxweynaha Soomaaliya oo safar kumaraya dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya.

Muqdisho, Aug 11 2016–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo magaaladan Jigjiga, taas oo booqashan ka dhigeysa mid taariikhi ah, qeybna ka ah xoojinta xiriirka labada dal ee deriska iyo walaalahaba ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda degaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu la kulmey Golaha Wasiirada ee Dowlad Degaanka, isagoo khudbad u jeediyay kana waramey muhimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqday dhowr mashruuc horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jigjiga.

Waxaa uu Madaxweynaha intii uu goobahaasi booqanayey warbixino uu ka dhegeysanayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia.

“Waxaa aad ii soo jiitay mashaariicdan kala duwan ee houmarinta ee aad dalka ka waddaan, waana calaamad muujineysa guulaha aad ka gaarteen hirgelinta nidaamka federaaliga ee Ethiopia ka jira. Farxad ayay u tahay Soomaaliya iyo guud ahaan qof kasta oo Soomaaliyeed inaad noqoteen degaan ay ku daydaan guud ahaan degaannada kale ee Ethiopia ka jira’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn , ayaa isna khadka telefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo booqashada taariikhiga ah ee uu ku yimid Jigjiga.

Waxaa Madaxweynuhu uu sidoo kale xalay magaalada Jigjiga kaga qeybgaley xaflad ballaaran oo soo dhoweyn ah oo ay ka soo qeybgaleen madaxda iyo dadweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta qiimaha leh ee isaga iyo wafdigiisa loo fidiyey, wuxuuna xusay in Soomaaliya iyo Ethiopia-da cusub ay iska kaashanayaan dhinacyada sugidda amniga, horumarka , arrimaha bulshada iyo dhinacyo kale oo farabadan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com