HomeUncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo qurba jooggta ugu baaqay inay dowladda lashaqeeyaan.

Muqdisho, Aug 16 2016--Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqey qurbajoogta Soomaalida inay sii labanlaabaan dadaaalkooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta waddankooda hooyo.

Kooxo hubaysan oo maanta weriye Tima-cade ku dhaawacay degmada wadajir ee Muqdisho
Wasaaradda Haweenka Puntland oo ka so Horjeesatay In Gabdho Soomaaliyed Sucuudiga loo Daabulo
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl.

Muqdisho, Aug 16 2016–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqey qurbajoogta Soomaalida inay sii labanlaabaan dadaaalkooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta waddankooda hooyo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xafladdii xiritaanka Shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

“Qurbajoogta dadaal badan oo muuqda ayay sameeyeen si ay waddankooda wax ugu qabtaan, doorka ay cayaareenna waa mid dalka wax badan ka beddelay. Fariinta aan u dirayaa dhammaan qurbajoogta waxay tahay inay shaqada wanaagsan ee ay hayaan ay meesha ka sii wadaan, inay midnimadooda adkeeyaan iyo inay saameyn waxtar leh ku yeeshaan waddamada ay ku nool yihiin’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay wax badan qabatey, balse ay weli jirto shaqo badan oo qabyo ah.

“Markii dowladdan ay talada la wareegtay waxaa ay dadaal u gashey inay qabato inta badan hawlihii laga sugayey dowladihii ku meel gaarka ee dalka soo marey, duruufo iyo caqabado soo wajahay xilligooda awgood. Waxaan aaminsanahay inaan hore u socono, haddii aan wada shaqeynana aan Soomaaliya meel sare wada gaarsiin karno’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii dalku u yeelan lahaa hay’ado dowli ah oo sal adag, isla markaana qeyb ka qaata dhismaha Soomaaliyada cusub ee tiirarkeedu noqon doonaan dimoqraadiyad, caddaalad, horumar, isla xisaabtan iyo nabad ku wada noolaansho.

Waxaa Madaxweynaha ka hor , halkaasi ka akhriyey War Murtiyeedka shirka, Zakariya Yuusuf oo ka mid ah xubnihii qurbajoogta ee ka soo qeybgashey shirka lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: