Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay safiirka cusub ee Koonfur Kuuriya

?

Moqdisho, May, 17 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Koonfur Kuuriya Kim Chan Woo oo dhowaan loo soo magacaabay in uu hoggaamiyo safaaradda Koonfur Kuuriya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in tani ay sare u qaadeyso xiriirka ka dhaxeeya labada dal, wuxuuna sheegay in uu ku rajo weyn yahay ballaarinta iskaashiga labada dowladooda.

Kullan, muddo socday ayay ku qaateen Mr. Kim iyo Md. Xasan Sheekh aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray kulankaas dar dar galinta xiriirka labada waddan iyo sidii uu u noqon lahaa mid xambaarsan wax is-dhaafsi iyo wada-shaqeyn.

Danjirayaal kale oo badan, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hore ugu qaabilay Muqdisho, kuwaas oo dalalkooda ay u soo dirsadeen Soomaaliya si xiriirkii kala dhaxeeyay labada dhinac loo xoojiyo amaba dib loogu billaabo

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’

Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com