Madaxweynaha Soomaaliya oo masjidka Isbahaysiga kutukadey salaadii Ciida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Kummanaan dadweyne ah oo Salaadda Ciidda Maanta ku soo tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa ka hadlay Marxaladda uu maanta dalka ku suganyahay iyo dagaalka Argagixisada, isagoo hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey Alle weydiistay in uu naga aqbalo Cibaadadii aan soo sammeynay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, wuxuuna kula dardaarmay shacabka soomaaliyeed in ay isku samafaalaan oo gacan la siiyo qoysaska Taagta daran ee maanta caruurtooda aysan la ciideynin kuwa ilaahay wax siiyay.

“Umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah Waajibaadkii ay soo sammeeyeen alle haka aqbalo, waxaan isugu dardaarmeynaa in laga wada farxiyo maanta dadka liita ee aan awoodin in ay farxadda la qeybsadaan dadka uu ilaahay u nicmeeyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com