Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay gudoomiyaha midowga Africa.

Muqdisho, Mar 15 2017-Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat, waxaana uu kala hadlay Ammaanka iyo sidoo kale Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha waxaana uu uga warbixiyay Abaaraha saameeyay dadka Soomaaliyeed ee ka jira guud ahaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ka jirto Abaar Baahsan , islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa.

Gudoomiyaha Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha dalka uu soo dhaweeyay.

30-kii Junuaray ayaa Xubnaha Ururka Midowga Afrika ay u doorteen Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas in uu noqdo  Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com