Farmaajo oo Diyaarad Rakaab ka Raacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka raacay diyaarad caadi ah ay ay saaran yihiin shacab rakaab ah.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa raacay Diyaarada Turkish Airline oo sidoo kale dad cadai ah ku safrayeen, waxaana Madaxweynaha iyo waftiga la socda dalka Turkiga kasii raaci doonaan diyaarad kale oo kusii jeeda magaalada London.

Wafdiga la socday Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Gaashaandhiga ,Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed , Hirshabeelle iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale, waxa ayna ka qeyb galayana shirka 11-ka bishan ka furmaya London.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa horey usii sagootiyay wafdiga la socda Madaxweynaha Soomaaliya ee u duulay magaalada London, waxaana Safarka maanta ku baxay Madaxweynaha uu noqonayaa kii lixaad uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

40 responses to “Farmaajo oo Diyaarad Rakaab ka Raacay Muqdisho”

  1. Maansha Allaah Radio Dal jir Dalkaag jir mahad sanid

  2. cabdisamed cabdi

    farmaajo waa madx ku dayasho mudan,madxda kalana utilmaamey hilinka saxda ah ee bulshadooda ay ku hantiyi karaan,taageerohooda waana mdxwyne daacada xaqiiqatana maantey wxuu sameeyay wxay tusaale utahay daacad nimadiisa

  3. cabdisamed cabdi 906113087

    farmaajo waa madx ku dayasho mudan,madxda kalana utilmaamey hilinka saxda ah ee bulshadooda ay ku hantiyi karaan,taageerohooda waana mdxwyne daacada xaqiiqatana maantey wxuu sameeyay wxay tusaale utahay daacad nimadiisa

  4. cabdisamed cabdi

    906113087

    madaxa umada somaliyeed farmaajo
    waa masuul ku dayasho mudan
    madaxda kale barey habdhaqanka
    maxda looga baahanyahay
    had iyo jeeraarana,ku farxi karaan bulshadoodu
    waana daacadnimadu kashiisa ka saartey isla wayni maangaabku ciirasado

  5. Waa hugamiye lagu dayan karo ee halagu daydo madxda kale mamul gobledyada

  6. Farmaaaaaaaajo allah xafido cadawgisa allaha qabto

  7. masha allh hadaan zoomli nahy waxy madax deena uthy tuzaale wngzn

  8. Wa inay Ku deydaan madaxweynayasha maamul goboleedyaduna

  9. manshaa Allah wa madaxa weyne kudayasho mudan guul iyo gobanimo

  10. sucaad

    masha allah waa madxwyn dcda ah ilhy haa dhowro madxda somliyrd

  11. Illahay ha noo daayo madaxwaynaha wadaningaa

  12. illahay ha noo daayo madaxwaynaha wadanigaa

  13. Waa sax arintan waa muhim
    Safarad lacagta ku baxdo waxey mushar unoqdan kalabar cidanka qaranka

  14. maryama ruun mohamett

    mansha allaah mdxwaynaha daacad oo dadkiisa u diirnaxaya guulayso

  15. Guulayso farmaajoow. Waxaannka codsanayaa madaxwaynaha puntland state in uu lu daydo oo naga daayo 5 star airline iyo 5 star hotel

  16. mashlh runtiii guuul iyo horumar wacn ayaaa puntland urajaynaya

  17. Masha Allah waaaa hogamiye dacada Allow Somali udaaa mid dhibka ay kujirta somaliya kasaara Alle hanoga dhiho

  18. faataalnimada waa wax kooban waan 8bil ha u dhamaato fadlan igu Sawir hadey sii soconeeso .OGaadane waa niilaga horeeyay diyàrad shacab lala raaxo

  19. cabdirisaaq aadan xuseen

    london guul grmjo

  20. cabdirisaaq aadan xuseen

    madaxwaynaha farmaajo waa madaxwayna xaq ah dadkuna waa arkaan shirka london alle ha kusoo huuleeyo

  21. Ilaahay ha barakeyo madax wayne farmaajo

  22. shirwac Abdisamad

    Asc Daljir 0907412301
    runtiii Farmaajo waaa nin Wadani had iyo goorba jcyl ddkiisa inuusan I ska dhaxsaarin waana so dhaweenYaa inuuu lasafro shacabksa

  23. shirwac Abdisamad

    Asc Daljir waaan sooo dhaweenayaa in madaxweyna #Farmaajo uu shacabkiisa diyaarad laraaco wanna arin kudayaaho mudan
    0907412301

  24. waa hogaamiye sax ah wana wixi lagu doortay oo dadka ku jecladeen. wali ma aragtay saas oo kale madaxweyne loo jecel yahay oo Somali ah. Madaxweynayaasha maamulada gaar ahaa midka Puntlad maamulo baa u bahan in uu ku dayado, madaama uusan safar joojineyn

  25. abdulahi sicid yusuf

    aad baan usoo dhoweynayaa arintaan runtii waa wax lagu farxo waxayna tusaale unoqon doontaa madaxda caalamka

  26. nawaal muhiyadiin mohamed jogta galkcyo tell number 7365296

    asc daljir mnsha allh waa wax lagu farxo tilabda uuu qady madxweyne farmajo waaa na mid loobahna in mazuuliyanta dalku raacn diyaradaha rakabka ee shacabka zoomaliyed racayan wxana ugu baqaya madxda kle ee mamul goboledyaduna inay arintaas kudaysha da mudn lgu dayno

  27. Masha alllh madaxwayneheen ilaahayow noodaaa

  28. waaa hogaamiye ku dayasho mudan khyr alaha,siiye xilkana alaha la garab galo amiin

  29. Dhaqala xumada waxa ugu wacan wadanka wa madax isku sheega ku tagri falaya Hantida dad waynaha

  30. Maxamed Cawad Saciid

    kol hadaan shirarka noocan ah oo heer caalami ah looga maarmayn madaxweynaha hadana wuxuu gartay inuu yareeyo kharashka ku baxaya oo raaco diyaarad rakaab isaga iyo wafdigiisa sidoo kale waxaan filayaa inay yaraynayaan kharashka hoteelada somaliya guul

  31. maasha allh waa qayb kamida balanqadyadisa madaxweynaha insha allh waxan rajayno waa horumar hadan helnay madaxweyne balamihisa fuliya

  32. Lamayaqaan

    Waa sax in uu raaco diyaarad shacabka waayo dadka uu madaxweyne u yahay in badan oo kamid ah 1mar wax macunto Maalinti

  33. Ahmed cadde 7975195

    Waxay na tusaysaa in madaxweynuhu unaxayo hantida qaranka uusana ku tamashlaynayn
    waana arin madaxda gobolka oo dhami laga doonayo inay
    ku daydaaan

  34. Farmaajo waxaa ùu mudanyahay kudayasho

  35. abdiaziiz

    mansha alallh madaxwayana waan soo dhawaynayna arintan uu saneeya waxaan tusaale u noqon doontaa madax badan ee markaya meel u baxayaa kiraysta diyaarad khaas ah marka taas wa in aya ku daydaan madaxda maamul qobolayd yada

  36. gaaska aad wrystaan oo intaa aad u magaalysaan usheega ooo dhaha ku dayo muwaadin frmaaajo intaad waryai is ballan si ah iska dhaaftaan

  37. muxsin bashiir dooxajoog

    masha Allah waxay cadayn loo jeedo utahay daacadnimada madaxwayne farmaajo guulayso mahadsanidiin daljir

U Jawaab cabdisamed cabdi Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com