Site icon Radio Daljir

Farmaajo oo Diyaarad Rakaab ka Raacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka raacay diyaarad caadi ah ay ay saaran yihiin shacab rakaab ah.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa raacay Diyaarada Turkish Airline oo sidoo kale dad cadai ah ku safrayeen, waxaana Madaxweynaha iyo waftiga la socda dalka Turkiga kasii raaci doonaan diyaarad kale oo kusii jeeda magaalada London.

Wafdiga la socday Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Gaashaandhiga ,Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed , Hirshabeelle iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale, waxa ayna ka qeyb galayana shirka 11-ka bishan ka furmaya London.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa horey usii sagootiyay wafdiga la socda Madaxweynaha Soomaaliya ee u duulay magaalada London, waxaana Safarka maanta ku baxay Madaxweynaha uu noqonayaa kii lixaad uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay.

Exit mobile version