HomeUncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Afur u sameeyay Danjireyaasha waddamada Islaamka

Talaado, Luuliyo 07, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho afur ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Islaamka ee ku sugan dalka.

Tahriibayaal Afrikaan ah oo laga badbaadiyay badda u Dhaxeysa Talyaaniga iyo Libya
Dhagayso Barnaamijka ka hortaga Burcadbadeedda ee (DAPP) Wariye Max’ed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
(DHAGEYSO) Puntland oo bilowday Qaadida Imtixaanka Shahaadiga ah

Talaado, Luuliyo 07, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho afur ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Islaamka ee ku sugan dalka.

Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa kulankaasi si kooban uga wadahadley xaaladda dalka Soomaaliya, mushkiladaha ka taagan dalalka Islaamka iyo guud ahaan arrimaha amniga caalamka.

Danjireyaasha ayaa soo dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tallaabsatey, iyagoo dhanka kale ballanqaadey inay talo iyo taageeraba la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan afurka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: