Madaxweynaha Somaliya oo lagu wado in uu Puntland Yimaado

Garacad, 23, March, 2016 -(Daljir)_Wararka aan ka helayno xarunta Villa Somalia ee Muqdisho ayaa sheegaya in la qorshaynayo socdaal lama filaan ah oo uu madaxwaynaha Soomaaliya ku imaanayo magalada Garowe.
 
Socdaalka Xasan Shiikh ayaa salka ku haya guulihii Puntland ka gaartay la-dagalanka kooxda hubaysan ee Al-Shabab iyo siduu uga mahad celin lahaa in isku duubni looga hortagay kooxdaas, sidoo kale warar kale ayaa sheegaya inuu madaxda Puntland kala hadli doono arrimaha nidaamka 4.5 kaasoo shacabka iyo xukumadda Puntland diideen.
 
Lama hayo ilaa iyo hadda xilliga uu Garowe imaanaya, walow wararka madaxa banaan ay sheegayaan in laga yaabo inuu yimaado beri ama maalinta ku xigta.
 
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan labo diyaaradood oo mid kaliya siday kalluun iyo buskud usoo dirtay Puntland, kaasoo loogu talo galay ciidanka dagaalamaya, balse Puntland weli kama aysan hadlin deeqda Muqdisho uga timi.
 
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde ayaa maanta sheegay in guulo waa weyn ka gaareen dagaaladii u danbeeyay ee ciidanku ku qaadeen maleeshiyada ku dhuumanaysa duleedka deegaan xeebeedka GARACAD ee Mudug.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com