Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay Colaada Cagaare

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaye Dagaal beeleedyo ka taagan Deegaano katirsan Koofur Bari ee Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in Dagaalkaasi daba dheeraaday uu saameyn ku yeeshay dadkii deegaankaasi degenaa, Madaxda Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Daminta Colaaddaasi.

Deegaanada Dirirta ka socoto ayuu ku sheegay in ay u dhaxeyso Soomaaliya, Itoobiya iyo Maamulka uu madaxweynaha ka yahay oo horay u sheegay in uu ka go’ay soomaaliya inteeda kale.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland dhankooda waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada daminta Colaadda, sii socoshada Colaaddaan ayuu ku sifeeyey in ay sababi doonto saameyn aanan wanaagsanaan sida uu hadalka u dhigay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com