Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Xukumad Tayo leh uu soo magacaabi doono

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Xukumad Tayo leh uu soo magacaabi doono

Madaxweynaha La Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa uu soo dhisi doonaa ay awoodda saari doono sidii wax loogu qaban lahaa dadweynaha reer Somaliland ee duruufaha kala duwan ku xeeran yihiin.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo xusay inuu soo dhisi doono Xukuumadda tayo leh oo ka kooban rag iyo haween aqoon iyo khibrad leh oo kala metela beelaha dega Somaliland.

Sida aanu ka soo xiganay Warbixin uu Wargeyska Financial Times ee ka soo baxa Dalka Ingiriisku ka qoray Madaxweynaha cusub ee Somaliland iyo Qorsheyaashiisa la xidhiidha aqoonsiga iyo horumarka Somaliland, ayaa waxa kale oo uu ku sheegay in Muuse Biixi Cabdi balan- qaaday inuu la dagaalami doono musuq maasuqa.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey nooca Xukuumadda uu soo dhisi soono iyo waxyaabaha uu awoodda saari doono, waxa uu yidhi “Waxaanu la socona meelaha ay dawladdayadani ku liidatay inay wax ka qabato mudaddii 7 sanno ee tegay, waxaanan garawsanahay in aafadda ugu weyni tahay Musuq Maasuqa oo laga arki karo dhammaan Hay’addaha Dawliga ee Somaliland, waxaanan fursadan aanu mar kale xukunka ku nimid uga faa’iidaysan doona in aanu Xiddidada u saaro (Musuq Maasuqa), iyada aanu dib u dhis ku sameyn karo Qaranka, si aanu uga shaqayno habka ugu wanaagsan ee baahi kasta oo muwaadiniinteen Somaliland rabaan in wax looga qabto, waxaana kale oo ajandaha iigu jira in aan soo magacaabo Gole Wasiirro oo ay hagi doonto Sharciyada iyo Aqoonta aan ku soo xuli doono, waxa aan soo dejin doona wasaaraddo tayo leh, waxaanan si heer sare ah u xulan doona rag khubaro, khibrad leh, isla markaana aqoon leh, kuwaasi oo leh dheeli tirka Jinsiga (Rag iyo haween iskugu jira) ahna wakiillo (nidaamka Sami qaybsiga ee Beelaha Somaliland) lagu jaangoyn doono”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dabcan, dedaalka ah sidii loogu guulaysan lahaa inay Jamhuuriyadda Somaliland inay Dunida ka hesho Aqoonsi Caalami ah, halkiisa ayuu ka sii socon doona muddo xileedka dawladda aan hoggaamin doono ee cusub, waxaan sameyn doona qorshe Iskaashi oo diiradda aan ku saari doono sidii aan ugu guulaysan lahayn isku xidh dhadhaaro xidhiidh Ganacsi oo (Beesha Caalamka iyo Mandqada ay Somaliland la yeelan doonto), laakiin Muwaadiniinta reer Somaliland ayaanu xaqiijin doona in aanu xidhiidhka aanu la yeelan doono Bulshadda Caalamku wax saameyn ah ku keenin, isla markaana tallaabooyinka iyo ficilka aanu ku fulin doono Ajandaha Barnaamijkaygii Wakhtigii Kaambeynka Doorashada ee Xisbiga ee dib u habaynta Qaranka Somaliland ugu sameynayno”

Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inuu sii wadi doono dedaaladii uu seeska u dhigay Madaxweynaha xilka ka sii degayaa Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, waxaanu yidhi “Waxaan jeclahay in aan ku daydo Madaxweynaha Somaliland ee Xilka iiga horreeyey Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, kaasi oo ahmiyaddiisa ugu wayn saaray sida ay uga go’an tahay intii uu xukunka hayey sugida Amniga Qaranka iyo in uu Doorka Jamhuuriyadda Somaliland Beesha Caalamka u muujiyo, isla markaana Maalgashi iyo dib u dhiska dalka ku soo jiiday”,

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com