Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi ka socda Zambia

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi ka socda Zambia

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefdi uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo shalay hargeysa soo gaaray.

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland waxa uu xubnaha wefdiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo halka ay maanta mareyso ,sida dhinacyada nabadgelyada iyo horumarada kale.

Qodobada ugu muhiimsanaa oo ay labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta xiriirka Somaliland iyo Zambia, usjaashiga ka dhaxeeya iyo sidii Soomaliland taageero uga heli laheyd dowladda Zambia.

Sidoo kale, intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xiriirka iyo danaha ka dhaxeeya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com