Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee  Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo gaaray Hargeysa.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira a xoojinta xiriiraka Maamulka Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaaran ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com