Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn sameeyey (akhriso)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhagaweyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com