Madaxweynaha Somaliland oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxana madaarka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’isal wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

In astoo ujeeda safarka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Jabuuti aaan weli la shaacin ayaa waxaa wararka qaar ee soo baxayay ay sheegayeen in uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti oo uu la kulmi doono.

Safarkaan uu Maanta dalka Jabuuti ku tegay Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo aadaya xilli dalkaasi Jabuuti ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com