Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Addis Ababa (Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Addis Ababa (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi.

Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyada Dowlada Itoobiya Axmed Shiddo iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Itoobiya.

Madaxweyne Biixi ayaa martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxana loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa hab maamuus Madaxweyne.

Kulan lagu waday in ay ku yeeshaan magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dowlada federalka Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa soo wajahay caqabado sababay inuu baaqdo kulanka.

Caqabadaha ka hor yimid qabsoomida kulankaas ayaa ah cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay gaaray Jabuuti ayaa la filayay inuu maanta tago Addis Ababa, hase ahaatee waa uu baajiyay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee,Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com