Madaxweynaha Somaliland oo Abu Dhabi gaaray (sawiro)

Madaxweynaha Somaliland oo  Abu Dhabi gaaray (sawiro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa si heer sare ah loogu Soo dhaweeyey madaarka magaalada Abu Dhabi

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah golahiisa wasiirada.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa la filayaa in madaxda Imaaraadka ay ka wada hadlaan dhameystirka arrinta ku saabsan heshiiska DP World.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu waddaa in dhawaan ay bilowdo Mashaariic kala duwan oo horay loogu ballanqaaday Somaliland.

Safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ku tageen dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka qabtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com