Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay Maxaabiis

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku xiran xabsiyada degaannada Soomaliland.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Madaxweynaha Somaliland.

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud , iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com