Madaxweynaha Somalia oo Sacuudiga uga Qayb-galaya Shirka Jaamacadda Carabta

Somalia, November 10, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degey magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaa oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.

Shir madaxeedkan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyda iyo horumarinta.

Ka hor booqashada uu ku tegey Sacuudiga, Madaxweynaha waxaa horey u soo booqdey dalalka Jamhuriyadda Djibouti iyo Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo kulamadaasi looga hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga.

Booqashada afarta maalmood ee Madaxweynaha uu ku tegey Djibouti, Uganda iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa tilmaameysa dib u soo kabashada Soomaaliya: sida guulaha laga gaarey ciribtirka kooxda Al Shabaab, dib u soo celinta nabadda, si waddanka looga dhigo mid horumarsan, barwaaqeysan, doorna ka qaata arrimaha gobolka iyo caalamka intiisa kale.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com