Madaxweynaha Puntland “”Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo waxnaga dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar-naqsi xaqiiqa ah”.

Madaxweynaha Puntland “”Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo waxnaga dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar-naqsi xaqiiqa ah”.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay bandhigga buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed
(Hore, Hadda iyo Hadhow ) oo ay qortay aqoonyahanad Deeqa Jaamac Col-u-joog, waxa ay qoraysey muddo ku siman 35 sano, waxaana lagu soo bandhigay xarunta
Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee ‘PDRC’.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey bandhigga buugan “Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed”
(Hore, Hadda iyo Hadhow ), waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey qoraaga buugga oo muddo dheer ku bixisay muruq, maal, maskax iyo dedaal qoriddiisa.

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan kasoo qayb galo daahfurkan, markii hore waxay iga ahayd dhiirigelin, lakiin markii dambe waxaan ka helay
wanaag iyo degenaansho, aqoon yahanad Deeqo runtii hadal mug-weyn oo nuxur weyn ayay halkan kusoo bandhigtay waa dhigaal ay aqoonyahanaddu muddo dheer ay lasoo halgamaysey,
waxaa Alle waafajiyey ugana mahadcelinayaa buugan 600 oo bage ka kooban ay kusoo ururiso dhammaan wixii maanta ummadda Soomaaliyeed ay u baahnayd
oo ugu qaalisanaa oo ah nabad iyo midnimo. Nabadbaa naas la-nuugoleh, iyadaa Dowladnimada dhista, iyadaa horumarka iyo umad meel tiigsata saldhig u ah.
ummadda reer Puntland hore iyo gadaal suugaanta ay tirisay iyo tariikhda ay sheegtay inta badan ee nabaddu ku qotonto reer Puntland baa iskaleh”

“Puntland hore, hadda iyo hadhawba nabad bay ku baaqaysaa, Soomaali waxay ugu baaqaysaa nabad, waxay u fidinaysaa gogol nabadeed, waxay diyaar u tahay
wixii wax ka kharibmaan inay si nabad ah u xaliso, nabaddu iyadaa saldhig u ah waxkasta oo Aadanuhu sameeyo, aad baan uga mahadcelinayaa runtii buugan oo qoto dheer oo wata nuxurkiisa
fariimihiisana intay noosheegtay iyo inta ku qoranba waan qaadanaynaa” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa goobta ka sheegay inuu xafiiskiisa u qaadayo 100 buug, uuna u hadiyayndoono masuuliyiinta uu ku tuhmaayo u qareemidda nabadda.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cidkasta oo Puntland wax ka dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar naqsi xaqiiqa ah ugu baaqay, waxa uu fariinta ugu horaysa u diray Maamulka Soomaliland.

“Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo waxnaga dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar-naqsi xaqiiqa ah, Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsankaraa,
dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa, waxaan diyaar ugu nahay wax hadda mugdi ku jiro ma ah,
lakiin inaan wadahadal dhab ah oo nabad waarta ka dhaliya geyiga diyaar baan u nahay fariinteena koowaad waataas, wax kasta oo Puntland ka xun waxaan ku raadinaynaa nabad.
Soomalida inteeda kalena ee dagaaladu ka jiraan degaanadooda waxaan ugu baaqaynaa inay nabad waxkasta ku xaliyaan”.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com