Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Madaxa Masruuca CIP Ee World Bank.

Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Madaxa Masruuca CIP Ee World Bank.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Janauary 2019 xafiiskiisa kulan kula Qaatay Madaxa mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP (Capacity Injection Project) ee World Bank Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu la qaatay Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa qayb ka ahaa qaarkamida saraakiisha xafiiska World Bank ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa Mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP Capacity Injection Project World Bank Mr. Gregory ayaa daarnaa isxog wareysi guud, ukuurgelidda habsami u socodka mashruuca iyo dhammaystirka qabyo qoraalka qorshaha 2019 ee hay’addaha dowladda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Bangiga Aduunku ay ka hayaan Puntland iyo guusha uu gaaray Masruuca CIP mudadii uu shaqaynaayey ee ahay 4-ta sano, isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu qirey in Dowladda Puntland diyaar u tahay ka faa’iidaysiga mashaariicda World Bank si guud iyo si gaar ah ba Mashruuca CIP.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qayb ka ahaa aasaaskii Mashruuca CIP Capacity Injection Project World Bank markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com