Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Madax Ka Socotey Hay’adda Interpeace. (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Madax Ka Socotey Hay’adda Interpeace. (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 January 2019 xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka S

23 Maalmood Kadib Koonfurta Soomaaliya oo Internetkii u Soo Laabtay
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay, Amaanka, Firxadka Al-shabaab iyo Warbixinno.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 January 2019 xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka Socotey Hay’adda Interpeace.

kulanka uu la qaatey Madaxaweynaha Dowladda Puntland Madaxda Ka Socotey Hay’adda Inter-peace oo ay hogaaminaysey Meghan Brown ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka socoda xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Hay’adda Inter-peace ayaa waxaa ay uga wadahadleen kulankooda Dumuqraadiyadda, nidaamka xisbiyada badan ee Puntland iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah sidii ay Puntland uga qabsoomi lahayd.

Dhinaca kale Hay’adda Inter-peace ayaa sheegey in dhankooda ay ka go’antahay in ay Dowladda Puntland gacan weyn ka siiyaan sidii loo gaarsiin lahaa Dumuqraadiyad taaba gala ah iyo sidii Shacabka reer Puntland ay usameen lahaayeen doorasho hal qof iyo hal cod ah loogana gubi lahaa nidaamka ku dhisan beelaha ee 66 xildhibaan .

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in ay ka go’antahay Puntland in laga hir galiyo nidaamka xisbiyada badan ee ku dhisan Dimuquraadiyad taabagal ah, isla’markaana uu arintaas ka hawlgali doono dardargelinteeda sanadkan gudihiisa.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: