Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Saraakiilka Ka Socdey Hay’adda UNSOM.(Daawo)

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Saraakiilka Ka Socdey Hay’adda UNSOM.(Daawo)

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 24 January 2019, wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadd

“Ma ogtahay in Dawladnimada Soomaaliya aan waxba lagu kordhin Cabdifataax Maxamed Sugulle
Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dilkii Ikraan Tahliil iyo saddex qodob oo ay soo saareen
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 24 January 2019, wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadda Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee UNSOM Soomaaliya, weftigan ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Mr, Tariq Chaudhry.

Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni howlaha baaxadda leh ee uu ka qabtay tan iyo markii la doortay.

Sidoo kale Mr, Tariq ayaa hoosta ka xariiqay Horumarka iyo Ammaanka ka jira mandiqadda Puntland uu yahay mid muuqda oo taabagal ah, wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay Qaramada Midoobey in ay taageerto dadaallada wanaagsan ee dhinacyada horumarka iyo siyaasadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay wafdiga Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Soomaaliya in ay Puntland soo dhaweynayso shaqooyinkooda, wuxuuna balan qaaday in ay Puntland hormuud u tahay Soomaaliya oo horumar wanaagsan gaarta, ayna ka shaqeynayso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Hay’addaha Qaramada Midowbay ka hayaan gudaha Puntland, gaar ahaanna Hay’adda UNSOM, isla markaana waxa uu saraakiisha xafiiskaasi kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: