Madaxweynaha Puntland oo u safraya wadanka Itoobiya.

Garoowe, Aug 15 2016–Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maalinka arbacada ah ee soo socota u safri doona magaalada Addis ee xarunta dalka Itoobiya.

Safarkaani ayaa waxaa lafilayaa inay madaxweynaha kuweheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda, waxayna kulamo laqaadan doonaan madaxda dalka Itoobiya.

Ujeedada safarka waftiga Puntland ayaa lasheegayaa inay tahay sidii ay dowladda Itoobiya ugala hadli lahaayeen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2016.

Dhanka kalena waftigaani ayaa dowladda Itoobiya lafilayaa inay kala xaajoodaan heshiiskii ay dowladda Itoobiya garwadeenka ka ahayd ee dhexmaray Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Addis ababa iyo magaalooyin badan oo kamid ah kuwa dalkaasi ay kasocdaan kacdoono dadweyne.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com