Madaxweynaha Puntland oo u duulay Magaaladda Baydhabo

Madaxweynaha Dowwladda Puntland Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi Balaaran uu hogaaminayo ayaa saaka u dhoofay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya.

Wafdiga Madaxweyne Gaas ayaa ka qayb galaya shirka Amniga Qaranka oo la filayo in uu Maanta ka furmo magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay,iyado ay ka qayb gali donaan Madaxda Dowlad gobaleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed , Hiirshabeele iyo Dowlada Federalka.

Shirkan inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doona Amaanka Guud ee dalka iyo arimihii lasoo baxay kulankii dhawaan Maamul Goboleedyada ku yeesheen Maagalada Baydhabo ee looga hadlay arimaha Federaalka iyo Dastuurka.

waxaana dhamaadka shirkan laga soo saari doona Warmurtiyeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com