Madaxweynaha Puntland oo Shaqaddii ka Cayriyay Masuuliyin kala duwan

Madaxweynaha Puntland oo Shaqaddii ka Cayriyay Masuuliyin kala duwan

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta Warsaxafadeed kaso baxay xafiiskiisa wuxuu shaqadii ka cayriyaay Masuuliyin katirsan wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayradka badda Puntland,kuwaas oo lagu eedeyeey Musuq maasuq baahsan.

Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga

1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-

1. Maxamuud Maxamed Cali (gabax)

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda

2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

4. Maxamed Siciid Cartan (Balcad)

Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

5. Cabdicasiis Axmed Jaamac

Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda

6. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe)

Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

7. Casayr Yuusuf Maxamuud

Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abti yariisoow 6 years ago

    OO MAXAY GALABSADEEN, TOLLOW. MA WAX
    BAA KU TEGEY. ALLAAHU WACLAM.
    WAA in uu jiraa Isla xisaabtan
    Dhaba waxa WAX qasayana so Ashlan
    Logos wanton, BAL dabagal koodu uu
    Noqdo MID sax ah biyo kama dhibcaana. Mahadsanidin

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com