Madaxweynaha Puntland oo saaka ku wajahan magaalada Garoowe.

Garoowe, Mar 22 2017-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mudooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka ku soo wajahan magaalada Garoowe.

Dr Gaas, oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulamo lasoo qaatay madax kala duwan oo uu kala hadlay horumarinta guud ee Puntland.

Imaanshaha madaxweynaha ayaa ku soo aadi doonta iyadoo shalay la magacaabay wasiirada cusub ee Soomaaliya lana filayo isku shaandhayn kadhacda Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com