Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay Hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha Guud ee Diakonia Mr. Georg Andren iyo Madaxa Africa ee Diakonia Johan Romera ayaa looga hadlay mashaaricda ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududeeyaan Hay’addaha Qaramada Midoobey, sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka iyo Horumarinta Ganacsiga

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaara oo ay yeesheen kadib shir jaraa’iidka oo ay qabteen kaga hadlay arrimaha muhiim ka ah ee ay ka wadahadleen,

Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhaweeyey waftiga Puntland, waxaana uu hay’adda Diakonia ugu hambalyeeyey 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka shaqo bilowday Puntland.

“Waxaa farxad weyn noo ah inaan ku soo dhaweyno Puntland safiirka dalka Swedan iyo hay’adda Diakonia oo booqasho halkaan noogu yimid, in safiirku nagala soo qayb galo iyo Madaxda Diakonia dabaaldegga 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horeeyey ee Diakonia laga furey Puntland, runtii taariikh weyn bey ku leedahay Puntland waxbadan bay kasoo qayb qaadatay waxbrashada dhalinyarada, Haweenka, Caruurta iyo mashaariicda horumarinta ee inta badan ku salaysnaa dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska Puntland.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalka Sweden iyo hay’adda Diakonia uga mahadnaqay garab is taagga ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu si dhaw ula shaqaydoono safiirka iyo saraakiishan hay’adda Diakonia.

“Waxaan uga mahadcelinayaa madaxda Diakonia iyo Dalka Sweden mudadii dheereyd ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ay garab taagnaayeen, waxaana u balan qaadaynaa in aan si dhow ula shaqayn doono, marxaladda soo socotana waxaan ka fileynaa dalka Sweden in aysan ku ekaan dhinaca gargaarka oo keliya ee ay ganacsatada iyo shirkadaha dalka Sweden ay u yimaadaan maalgashi dalka”. ayuu yiri Madxweyne Deni

Safiirka Sweden ayaa dowladda Puntland uga mahadceliyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Puntland iyo dawladda Sweden, sidoo kalena waxa uu dowladda Puntland iyo shacabkeedaba ugu hambalyeeyey horumarka baaxadda leh ee ka jira dalka, wuxuu uu bogaadiyey guushii Madaxweynaha ee 08 Janaayo 2019, safiirka ayaa hambalyo u direy Hay’adda Diakonia oo ay u buuxsantay 25 sano guuradii markii ay ka shaqo bilowday Puntland, waxaana uu ugu dambayn safiirku gudoonsiiyey Madaxweyne Deni hadiyad gaara oo ay ku maamuuseen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com