HomeUncategorized

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kula kulmay safiirka Imraadka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dawladda Isu tagga Imaaraadta Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani.

Dowladda federaalka oo qiimayn ku samaynaysa khasaaraha colaadii ka dhacday gobolka Hiiraan
?Kalluumaysatada Caluula oo ka cabanaya ciidanka la dagaalanka burcad-badeeda ee US & Europe.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_29
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dawladda Isu tagga  Imaaraadta Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani.
 
Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa  ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka cashada lagu qabtay xarunta Safaaradda Imaadka ee magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha dawladda Puntland iyo danjiraha dawladda Isu tagga Imaaraadka ayaa kulankooda uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.
 
Danjire Maxamed Al-cutmaani ayaa ugu horrayn  Madaxweynaha iyo shacabka  Puntland ugu hambalyeeyey sannad-guuradii 18-aad ee kasoo wareegtey markii aas-aasay Puntland isagoona u rajeeyey in shacabka Puntland in sannadkaan sannadkiisa ay ku gaaraan guul iyo horumar.
 
Sidoo kale danjiruhu waxa uu  ku ammaanay Madaxweynaha dawladda Puntland dedaalka ay dawladdiisu ugu jirto horumarinta iyo adkaynta nabad gelyada Puntland iyo doorka ay dawladda Puntland ka qaadatay xal u raadinta Soomaaliya.
 
Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Danjiraha Imaaraadka uga mahadceliyey soo dhoweyntiisa iyo casho sharafta maamuuska huwan ee uu u sameeyey,  waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay muhim tahay in lasii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabad-gelyo ee ka dhexeeya dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo dawladda Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: