Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Ku Wajahan Muqdisho Iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Ku Wajahan Muqdisho Iyo Ujeedka Safarkiisa

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah u Magaalada Muqdisho soo gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Gobboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo hadda u sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii uu wada-hadallo ula yeelan lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bilihii la soo dhaafay xiriirka kala dhaxeeyo uu hoo u sii dhacayay.

Kal hore waxaa soo baxayay warar sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tagayo Magaalada Boosaaso, hayeeshee safarkaas u dib u dhacay, taas bedelkeedana Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu imaanayo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo in safarkiisa Muqdisho uu qaato muddo laba Cisho ah ayaa waxaa uu diidan yahay in shaqsiyaad siyaasadiisa kasoo horjeeda, kuwaas oo kasoo jeeda Puntland xilal sar sare looga magacaabo dowladda Federaalka,balse rag saaxiibiidiisa kadmi ah la siiyo xilalka taliyaha Ciidamada xoogga ama Booliska iyo Safiirka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowr jeer ka horyimid tallaabooyin ay qaaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa sidoo kale uu siwyen uga soo horjeeday siyaasadii ay wax ku maamuleysay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com