Madaxweynaha Puntland oo Maanta Kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda ee Bosaaso

Axad, May 24, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-5-2015 kormeer shaqo ku tagey Dekeda magaalada Boosaaso, xarumaha Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Wasaarada kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland , Wasaarada dekedaha iyo gaadiidka Badda iyo sidookale xarunta Nek fish.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa booqday xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland waxaana halkaasi uu kalamo kala duwan kula qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo dhammaan howlwadeenada wasaaradaasi oo ku guda jiray gudahashada waajibaadka shaqo ee saaran, waxaana uu indha indheeyey qeybaha kala duwan ee ay wasaaradu ku shaqayso.

Sidookale waxaa uu booqday Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradaas , kullan uu kaga xog waraysanayey howlaha muhiimka ah ee shacabka u hayaan ayuu la qaatay, waxaana uu ku amaanay dadaalka ay wadaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradaas.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas waxaa uu sidookale kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda dekedaha, gaadiidka badda iyo ladagaalanka burcad badeeda Puntland , isagoona la kulmay Wasiirka wasaaradaas iyo dhammaan shaqaalaha , waxaana uu ku dhiirigeliyey dardar gelinta shaqada adag ee ay hayaan .

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com