Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan, gaar ahaan Nabadoonada iyo Cuqaasha Gobolka.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka, isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah.

Diwaanka
Wararka daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com