Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Puntland (Daawo)

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Puntland (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari,

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Ganacsatada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Caawa waxaa qabsoomay shir aad U muhiim, kaasi oo dhex maray ganacsatada Puntland Iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, shirka waxaa xoogga lagu saaray horumarinta dhinaca dhaqaalaha iyo amniga guud ee dalka.”

“Dhanka kale Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday, sheegayna in ay dowladda ka go’antahay horumarinta dhinaca dhaqaalaha dowladduna ay diyaar u tahay wax walba oo kor u qaadaya dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka kulanka oo muddo dheer socdey ganacsataduna ay fikrado ka soo jeedisay waxay balan qaadeen in ay doonayaan in ay wadanka maalgashadaan, kana shaqeeyaan horumarinta ganacsiga iyo amniga”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com