Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Dhallinyarada Gobolka Mudug. (Sawiro)

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Dhallinyarada Gobolka Mudug. (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee dhallinyarada gobolka Mudug.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay dhallinyarada ayaa waxaa qayb ka ahaa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Mudug Jacfar Yuusuf Cabdalla ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa qasriga Madxtooyada gobolka Mudug ku qaabiley dhallinyarada gobolka Mudug qaybeheeda kala duwan haday ahaan lahayd dhallinyarada dhaqaatiirta ah, dhallinyarada aqoonyahanka ah, kuwa ganacsiga ku jira, kuwa ka shaqeeya Hay’addaha iyo kuwa isxilqaanka ka wada magaalada Gaalkacyo”.

“Madxweynaha waxaan ka wadahadalnay qodobo dhowr ah, arrimaha caafimaadka, horumarinta dhallinyarada, shaqo abuurka dhallinyarada Madaxweynuhu wuxuu iftiimiyey in dalka shaqooyin badan ka jiraan, lakiin dad kale ay usoo shaqo-tagaan, waxaa laga wadahadlay in dhallinyaradu ka shaqeeyaan horumarka dalka si wada-jirana looga wada-shaqeeyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug Jacfar Yuusuf Cabdalla

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com