Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan wadanka Itoobiya.

Garoowe, Aug 17 2016–Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay u safri doonaan magaalada Addis ee xarunta dalka Itoobiya.

Ujeedada safarka waftiga Puntland ayaa lasheegayaa inay tahay sidii ay dowladda Itoobiya ugala hadli lahaayeen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2016.

Dhanka kalena waftigaani ayaa dowladda Itoobiya lafilayaa inay kala xaajoodaan heshiiskii ay dowladda Itoobiya garwadeenka ka ahayd ee dhexmaray Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo xiriirka Puntland iyo Itoobiya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com