Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Goobihii lagu Dagaalamay ee Garacad

Garacad, 24, March, 2016-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay soo gaadhey magaalada Jarriiban ee Gobolka Mudug ayaa isla shalayba waxa uu u amba baxay magaala xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo dhoweyeen xubno kamid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidanka oo muddadii dagaalku soconeyey ku sugnaa Deegaankaasi.
 
Madaxweynaha ayaa markii uu gaadhey deegaanka Garacad ayaa waxa uu kulamo xog waraysi ah oo ku saabsan xaaladda guud ee deegaanka iyo dagaaladii sharwadayaasha Alshabaab oo dhowaan lasoo afmeeray la qaatay masuuliyiintii hawl-galka qaybta ka ahayd oo isugu jirey wasiiro iyo Saraakiil ciidan.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa subaxnimadii saaka waxaa uu kormeero ku tegey goobtii ay kasoo degeen sharwadayaasha Al-shabaab oo ku taalla xeebta Deegaanka Garacad halkaas oo ay xilligaasi ku sugnaayeen kalluumaysto ku jirey shaqo maaalmeedkoodii caadiga ahaa.
 
Madaxweyne Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu booqasho dhiiri-gelin iyo hambalyo ku qotonta ugu tegey cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland kuwaas oo dhowaan soo afjaray Hawl-galkii DANAB ee lagu soo afjarayey duullaankii qaawanaa ee kooxda burcad-diimeedka alshabaab ay kusoo qaadeen Puntland.
 
Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland ee hawl-galka kaga jirey Aagga Garacad iyo Godob jiiraan ayaa goobta kusoo bandhigay Saanad ciidan oo tiro badan oo isugu jirtey hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka qabsadeen kooxda Alshabaab, sidoo kale waxay soo bandhigeen 46 Maxbuus oo kusoo qabqabteen Hawl-galkii DANAB ee lagu cidhibtiray kooxihii Burcad-diimeedka shabaab ee duullaanka kusoo qaaday goobo kamid ah deeno xeebeedyada Puntland.
 
Ugu dambaytii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa shir jaraa’id oo ay ku faah-faahinayaan Hawl-galkii DANAB ku qabtay howgii uu Madaxweyne Gaas ka degganaa magaalada Garacad.
 
Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay Hawl-galkii ciidanka daraawiishta Puntland ay kaga jireen Aagga Garacad in uu soo gebageboobey isla markaana ay kaga dileen kooxihii soo duuley aagga garacad oo keliya 208, ayna kasoo qabteen 46 Maxbuus, sidoo kale agab Ciidan oo ka kooban 165qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 iyo qalab kakooban walxaha qarxa iyo Agabka loo isticmaali Isgaadhsiinta ciidamada, sidoo kale ciidamada Dawladda Puntland waxaa kaga shahiidey 20 askari iyo 60 dhaawac ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com