Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida taliye ku-xigeenkii 2aad ee booliska.

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 December 2016 waxa uu tacsi u diray isagoo ku hadlaya   afka  goloyaasha kala duwan ee Dawladda puntland iyo kan shacabka Puntland  qayskii, qaraabadii iyo qaran kii uu ka baxay taliye ku xigeenka 2aad ee ciidanka booliska  Puntland  gaashaanle sare Jamac Saxardiid Axmed,

Alleh haw naxariistee Sareeyey guuto Jamac saxardii Axmed ayaa waxa malinimadii shalay weerar shirqoolan ku soo qaaday dabley  hubaysan isagoo ku guda jira shaqadiisa, waxaana uu maanta ku geeriyoodey cisbitaalka weyn ee magaalada boosaaso,

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo ku hadlaya afka Dawlada Puntland iyo kan shacabka Puntland  ayaa waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii qarabadii iyo qaran kii uu ka baxay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka dawladda Puntland  jamac saxardiid Axmed.

‘’ inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun alleh haw naxariisto taliye Jamac Saxardiid Axmed, waxa uu ahaa nin kasoo baxa shaqadiisa, laguna yaqaaney shaqo wanaag, waxaan uga tacsiyaynayaa dhaman cidamada Dawladda Puntland, shacabka Puntland, qoyskii iyo qarabadii u ka baxay marxuunku, waxaan isgana illahay uga baryayaa inuu unaxariisto denbigiisana dhaafo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas.

Ugu danabay Madaxweynaha Dawadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  waxa uu si gaara tacsi ugu dirayaa, qaskii iyo ciyaalkii uu ka tegey alleh hawnaxariistee  marxuun Sareeye Guuto Jamac Saxardiid Axmed.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com