Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland.

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe e

Garowe: Dr. Nadia oo ah khabiir takhakhus fiican leh (daawo)
AKHRISO-Heshiiskii Dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga
Wafdi ka socda Wasaaradda kaluumaysiga Puntland oo kormeeray degaano dhowr ah (dhegayso)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland garyaqaanka guud ee Dawladda Puntland AUN, Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse.

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta garyaqaankii guud ee DPl ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe.

Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Dawladda Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee Dawladda Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu dalka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, kuna ceeb yar (AUN) Puntland iyo shacbigeedana waan uga tacsi yadeeynayaa dhammaanteed” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: